Somali News

Xaaf oo kulamo siyaasadeed ka wada Gaalkacyo

Madaxweynaha  maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa kulamo aan caadi aheyn waxaa uu ka wadaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Shalay ayay aheyd markii odayaal ay gaareen magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ka soo horjeeda dhismaha maamulka Galmudug.

Madaxweynaha iyo waxgaradka  ayaa aad uga wada-hadlay xaalka Galmudug iyo sidii looga shaqeyn lahaa Maamul loo dhanyahay oo ku dhisan Cadaalada iyo Sinaan,kaas oo ololihiisa uu Madaxweyne Xaaf ka wado Gaalkacyo.

15-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo uu ka furmo  Shir looga looga hadlayo xaalada Galmudug,sida uu horey u sheegay  Axmed Ducaale Geelle Xaaf.