Uncategorized

Xaaf oo mamnuucay iibinta dhul ku yaala magaalada Hobyo ee Galmudug.

Hobyo-KNN-Wareegto maanta laga soo saaray madaxtooyada Galmudug ayaa lagu mamnuucay iibinta iyo bixinta ama hadiyeenta dhulka ku yaala magaalada Hobyo ee gobalka Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in aan cidna iibsan karin dhulka aan sharciga lahayn ee ku yaala magaalada Hobyo ee gobalka Mudug, waxa uuna u digay ganacsatada Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu fariin u diray maamulka Hobyo ee Galmudug.