Muqdisho-KNN-Dadka ku nool xaafadda Hobalada Qaranka Waabari ee Ex Fiyoora, Islamarkaana aan ka tirsaneen Kooxda Waabari ayaa u hogaasamay amar dhawaan ka soo baxay Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigilinta ee tiyaatarka Qaranka Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure kaas oo ahaa in la bur buriyo dhismiyaasha Sharci darrada ah laga dhistay Ex fiyoora.
Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka oo la hadlay dadka ku nool Ex fiyoora ayaa ka dalbaday in ay bur buriyaan dhismiyaasha sharci darrada ah eek u yaala xaafadda Waabari gaar ahaan kuwa laga dhisay afka ee Ex fiyoora si loo soo celiyo bilicdii Xaafada Hobalada Qaranka.
Sidoo kale Abwaan Guure ayaa dadka deggan Xaafaddasi oo aan ka tirsan Hobalada Qaranka ka codsaday in ay ka guuraan xaafadda si ay Guryo u helaan Hobalada Qaranka oo aan hadda qaarkood haysan Guryo ama deegaan wanaagsan, waxaana qaar ka mid ah dadkii daganaa ex fiyoora ay bilaabayn dhaqan gelinta amarkaasi.
Shalay iyo Maanta ayaa la Bur Buriyay Dhismiyaal badan waxaana maanta kormeeray Agaasimaha Hobalada Qaranka ee Waabari Maxamed Xasan Barrow iyo Maareeyaha Tiyaartarka Qaranka.
Ugu horeen Maxamed Xasan Barrow ayaa ka hadlay Howlgalka Socda waxa uuna sheegay in shacabkii daganaa xaafadaasi ee aan ka tirsan Hobalada Qaranka ay u hogaasameyn amarkii maareeyaha Tiyaatarka qaranka waxa uuna u mahadceliyay dadkii u hogaasamay amarkaasi
Maareeyaha Tiyaatarka qaranka oo sidoo kale ka hadlay bur burinta dhismiyaasha Sharci darrada ah ee laga dhistay ayaa sheegay in la soo celin doono bilicdii Xaafadda islamarkaan ay deegaan wanaagsan siin doonaan Hobaalda Qaranka ee Waabari, waxa uuna shacabka ka dalbaday in ay inta dhiman baneeyaan
Xaafadda Ex Fiyoora oo deegaan ahaan loogu talagalay Hobalada Qaranka ee Waabari ayaa bur burkii kadib waxay deegaan u noqotay shacab badan oo aan ka tirsaneen Kooxda.
Sidoo kale Xaafadda ayaa laga dhistay dhismiyaal badan oo sharci darro ah, Maamulka Tiyaatarka qaranka ayaa wada dadaalo dib loogu soo celinayo hantada Kooxda Waabare waxaana qaar ka mid ah Kooxda Waabari ay ku jiraan Guryo kiro ah oo ku yaala magaalada muqdisho maadaama xaafadii loogu talagalay ay shacab soo dagayn.