Garowe-KNN-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool ayaa soo sheegaya in maanta ay mar kale ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.
Ilo wareedyo gobolkaasi ku sugan ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid kacsan, islamarkaana laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco deegaankaasi, Saraakiisha Ciidamada ee labada dhinac ayaa la sheegay in ay hor kacayaan xiisadda taagan iyo abaabulka dagaalka.
Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in maanta ay arkayeen gaadiid dagaal oo tira badan kuwaas oo dhowr jeer Ciidamo keenay furmaha Tukeraq, sidoo kale ay jirto xiisad halkaasi ka taagan.
Tan iyo markii ay deegaankaasi qabsadayn Ciidamada Soomaaliland ayaa deegaanka Tukeraq waxaa ka taagnaa abaabul dagaal oo ay Labada dhinac wadaan, waxaana isa soo taraya baaqyada arintaasi ku aadan.