Somali News

Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay dalka Talyaaniga

Roma-KNN-Dawlada Talyaaniga ayaa mar kale bandaw ka dhigaysa magaalooyinka wadankaas maalmaha soo socda si looga hortago mawjad sadexaad oo xanuunka Karoona ah oo laga cabsi qabo inuu dalkaas ku faafo.

War kasoo baxay xafiiska r/wasaaraha Talyaaniga ayaa lagu sheegay in dhamaan gobolada dalkaas bandaw la dhigayo waxaana dadka la faray inay guryahooda joogaan.

Mas’uuliyiinya caafimaadka Talyaanigu waxay sheegeen in shalay oo kaliya dalkaas laga helay 20 kun oo kiis oo hor leh.

Si guud dalka Talyaaniga xanuunka Karoona waxaa ugu geeriyooday in ka badan 110 kun oo qof waxaana uu ku dhacay ku dhawaad 4 million oo qof oo kale.