Somali News

Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay gobol ka tirsan dalka Uzbekistan

Madaxweynaha dalka Uzbekistan ayaa bandow ku soo rogay gobolka Karakalpakstan oo ku yaalla Waqooyi-galbeed dalkaasi, ka dib rabshado xooggan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay halkaasi.

Dad badan carreysan oo dhigaya bannanbax looga soo horjeedo maamulka ayaa weeraro ku qaaday xarruumaha dowladda, iyada oo tiro dad ah ay ku geeriyoodeen isku dhacyo dhexmaray Booliiska iyo dadka rayidka ah.

Bandowga oo dhaqan galay maanta ayaa waxaa uu ka billaabanaya  9-ka fiidnimo ilaa 7 subaxnimo, iyada oo aan la oggalaan doonin isku socodka bulshada iyo gawaarida, marka laga reebo dadka u socda xaaladaha deg dega ee uu ugu horreeyo Caafimaadka.

Bannaanbaxyo sababay rabshado keenay in ka weeraro xarruumaha Dowladda ayaa ka dhacay ay dhigayaan dad carreysan ayaa waxaa ku dhintay tobanaan ruux, 2

Bandow ayaa lagu soo rogay gobol ka tirsan Uzbekistan iyadoo madaxweynaha dalkaas Shavkat Mirziyoyev uu ka jawaabay qalalaasaha, isagoo qiray in dad lagu dilay isku dhacyo dhexmaray booliska toddobaadkan.

“Xarumihii dowladda ayaa la weeraray. Nasiib darro, waxaa jiray dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah iyo saraakiisha fulinta sharciga,” ayuu Mirziyoyev u sheegay xildhibaano maxalli ah oo ku sugan magaalada Nukus Axadii, goobta ay ka dhaceen rabshaduhu. Madaxweynuhu ma sheegin tirada dadka ku dhintay. Maamulka ayaa horay u sheegay in “koox dambiilayaal ah” ay kiciyeen mudaaharaadyo waddooyinka waxayna isku dayeen inay la wareegaan awoodda gobolka Uzbekistan ee waqooyi-galbeed ee Karakalpakstan.

Xaalad degdeg ah oo hal bil ah ayaa gobolka ka dhaqan gashay maalintii Axadda, iyadoo bandow lagu soo rogay 9-ka fiidnimo illaa 7-da subaxnimo. Tallaabooyinka kale waxaa ka mid ah mamnuucidda mudaaharaadyada iyo “xakamaynta xorriyadda dhaqdhaqaaqa,” sida lagu sheegay dukumeenti lagu daabacay bogga madaxweynaha.