Uncategorized

Xaalada deegaanka Faxfax-dhuun oo saakay degan, kadib dagaal ka dhacay.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya duleydka Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta ay degan tahay xaalada deedaanada Faxfaxdhuun iyo Garbiley oo shalay ay ku dagaalameen ciidamada Dowlada oo garab ka helayay kuwa Kenya ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab.

Wararka saakay ka imaanaya deegaanadaas ayaa tilmaamaya in xaalada ay dagantahay, laakiin wali deegaanadaas laga dareemayo dhaq dhaqaaq ciidan iyadoona sidoo kale wali ay is hor fadhiyaan dhinacyadii halkaas ku dagaalamay.

Dagaalkii shalay ka dhacay deedaanada Faxfaxdhuun  ayaa waxaa ku dhaawac may gudoomiyihii Faxfaxdhuun, dhankalane Sarakiisha ciidamada Dowlada oo la hadlay KNN waxay sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa cabsi xooggan ka muujinaya in markale deegaanadaas ay ku dagaalamaan ciidamada Dowlada iyo kuwa Al-shabaab oo halkaas isku hor fadhiya kadib dagaalkii shalay ka dhacay oo ay isku adeegsadeen hub culus iyo midka fududba taas oo dadka deegaanka cabsi gilisay ilaa iyo hadda lama ogga in dadka deegaanka dagaalkii shalay uu khasaaro ka soo gaaray iyo in kale.