Waxaa saaka degan Xaaladda Deegaanka Wisil, kadib markii dagaal u dhexeeyay Al-shabaab, ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ku dhexmaray deegaankaasi.
Ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa xoogga dalka ayaa howlgal miino baaris ah ka wada wadooyinka gala deegaanka wisil.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku dhawaad 8 miino ah ay ka soo saareen deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.
Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in ciidamada ammaanka ay baaritano hor leh ay saakay wadaan tuulooyin hoostaga deegaanka Wisil, iyagoona baadi goobaya dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Wisil ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 30 qof oo isugu jira askar iyo dad shacab ah, halka maamulka Galmudug uu sheegay in Al-shabaab dagaalka looga dilay 50 dagaalame.


