Xeraale-KNN-iyadoo shalay dagaalo culus ay ka dhaceen deegaankaa xerae ee Gobalka Galgaduud ayaa saakay lagu soo waramayaa in xaalada deegaanka ay tahay mid dagan.
Dagaalkii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay Xeraale, waxaa ku dhintay ka badan 10 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.
Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in colaada Xeraale si deg deg ah loo joojiyo, islamarkaana la daayo dadka Shacabka ee xabadaha lala dhacaayo.
Ma jirto war ka soo baxay ahlusunna oo Ku aadan dagaalka xeraale.