Somali News

Xaalada deegaankii ay ku dagaalameen maleeshiyaadka oo degan.

Maxaas-KNN– Wararka ka imaanaya duleedka degmada Maxaas ayaa sheegaya in saakay ay degan tahay deegaankii ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedka.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku haya dhul ku yaala duleedka Maxaas.

Inta la xaqiijiyay dagaaladii dhacay ayaa waxaa ku dhintay dad tiradooda gaaraysa ku dhawaad 30 qof, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo odayaasha gobalka ayaa ku hoolan daminta xiisada ka taagan duleedka degmada Maxaas.