Uncategorized

Xaalada degaanka Abal oo saakay degan,kadib markii Wiil uu dhalay Sheekh Muqtaar Roobow dagaal lagu dilay.

Xudur-KNN-Wararka Naga Soo gaaraya Degaanka Abal oo 18 Km u jirta Degmada Xudur ee gobalka bakool ayaa sheegaya in saakay ay degan tahay xaalada degaankaasi,kadib markii ay wada dagaalameen Ciidamada Maamul koofur galbeed,oo garab ka helaya maleeshiyaad taabacsan Sheekh Muqtaar Roobow abuu mansuur.

Dhinacyadii uu dagaalka ku dhexmaray Degaanka Abal ayaa la Soo Sheegayaa inay is hor fadhiyaan,iyadoona laga Cabsi qabo in Markale uu dagaal culus dhexmaro ciidamada Maamuilka koofur galbeed,Maleeshiyaad Taabacsan Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Idaacadda Kulmiye u Sheegay in Dagaalka uu sababay khasaaro isugu jira Dhimasho.

Balse Dagaalkii shalay  ayaa waxaa lagu dilay Cabdullaahi Muqtaar Roobow iyo Taliyihii Abuu mansuur,ninka lagu magacaabo Manuur ganeey.

Mukhtaar Roobow Abuu mansuur ayaa muddooyinkan waday abaabul iyo qorshayaal dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana uu dhowaan tagay magaalooyinka Baydhabo, Xudur iyo Kismaayo oo uu maalmo ka hor uu gaaray.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Abuu Mansuur iyo Maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan dagaalkii ka dhacay deegaanka Abal ee gobalka bakool,Basle Xaalada ayaa waxaa ay tahay mid aad u degan.