Kismaayo-KNN- Waxaa Saakay degan Xaalada Magaalada kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose, kadib markii uu halkaasi ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Nabad sugida Jubbaland iyo ciidamada daraawiishta Jubbaland.
Dagaalka ayaa mudo saacado ah waxaa uu ka socday magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose, iyadoona khasaaro uu ka dhashay dagaalkaasi.
Dadka Ku nool Magaalada kismaayo ayaa KNN u Sheegay in Xaalada saakay ay tahay mid degan, islamarkaana ciidamada amaanka halkaasi ay ka sameynayaan Baaritaano ku aadan sidii ay ugu hortagi lahaayeen falalka amni daro ee ka dhaca Magaaladasi.
Ciidamo ka tirsan Jubbaland ayaa la arkayaa wadooyinka Magaalada kismaayo oo dadka iyo gaadiidka baaraya.
Dagaalkii ka dhacay magaalada kismaayo ee u dhexeeyay Ciidamada Nabad sugida Jubbaland iyo ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen 2 qof, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, iyadoona Ciidamada amniga Jubbaland ay gacanta ku dhigeen 11 ruux oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen kooxihii la dagaalamay ciidamada amniga ee maamulka Jubbaland.
Dhawaan madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa Ciidamada amniga ku amray in magaalada laga saaro kooxaha Hubeysan ee falalka amni daro ka geysta Gudaha Magaaladaasi.
Dhanka kale Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa sheegay in guud ahaan magaalada Kismaayo laga mamnuucay in hubka lagu dhex sito Gudaha Magaaladaasi , isagoona sheegay in ay bilaabanayan Howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.


