Uncategorized

Xaalada magaalada gaalkacyo oo saakay degan.

Gaalkacyo-KNN-Xaalada magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Ayaa saaka degan ka dib dagaal magaaladaasi shalay ku dhex maray maleeshiyaad kala taabacsan maamulada galmudug iyo puntland.

Wararka Idaacada Kulmiye saaka ka heleyso magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dib loo furay goobihii ganacsiga magaaladaasi Xaaladuna tahay mid degan.

Ciidamada police,ka ee isku dhafka ah ayaa la geeyay goobihii ay shalay ku dagaalameen maleeshiyaadka ka soo kala jeeda puntland iyo galmudug.

Sidoo kale xalay 2da dhinac ee waqooyiga iyo koofurtaba Magaalada Gaalkacyo waxaa ka qabsoomay kulamo wax garadka 2da dhinac uga arinsanayeen Ka Hortaga dagaalo mar kale ka dhaca magalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug.

Shalay ayeey eheed marklii Maleeshiyaad kala taabacsan puntland iyo galmudug ay ku dagaalameen suuqa bartamaha magaalada gaalkacyo Dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.