Uncategorized

Xaaladda Caafimaad ee Fanaanada Aamina Dhool oo laga deyrinayo.

Muqdisho-KNN-Aamino C/llaahi “Aamimo dhool” oo ka mid ah Faanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda loogu jecel yahay ayaa ku xanuun-saneyso Isbitaal ku yaalo magaalada London ee Xarunta Dalka Bretain waxaana laga deyrinayaa Caafimaadkeeda.

Mahdi C/llaahi Mahdi dheere oo Seygeeda ayaa Idaacada kulmiye u xaqiijiyay Xanuunka Xaaskiisa Fanaan Aamino Dhool isagoo sheegay in ay Qatar ku jirto.

“Muddo 6 bilood ah ayay jiran tahay hada waxaa laga haayaa Wadnaha hore waxaan uga badalnay Beerka hal killi oo ay ku dhalatayna waa ka fariisatay Xaalad Qatar ah ayay mareysaa” ayuu dhahay Mahdi dheere.

Dadkii aan la hadalnay oo booqday Fanaanada Xanuunsan ee Ehladeeda ayaa noo sheegay in ay Shacabka Soomaaliyeed ka doonayaan Taageero dhaqaalo si loogu soo iibiyo Killi maadaama halkii killi ee alle ku beeray ay ka fariisatay.

Aamino Dhool oo ah Fanaanad Caan ah ayaa heysata Caruur dhan 7  qof halka ay labo kalane ay ka dhinteen waxayna ka xanuun-saneysaa Beerka, wadnaha iyo Killida waxaana laga deyrinayaa Caafimaadkeeda.