Muqdisho-KNN-Xaaladda Woqooyiga Mozambique ayaa ka xun sida loo maleeynayo, sida uu sheegay Afayeen u hadlay Qarmadda Midoobay maalin kadib markii Wadanka ay ku dhufatay duufaanta Kenneth oo waxyeelo gaarsiisay Wadanka.
Qaabdhismeedka qaybo badan ee Mozambique ayaa bur-buray kadib markii ay ku dhusteen dabaylo ku socda 220 km saacadiiba waxaana biyuhu galeen deegaano dhan.
Ku dhawaad 700,000 oo ruux ayaa hadda xaalad Khatar ah ku jira iyadoo walina uu roobku socdo.
Magaaladda Pemba oo caasimad u ah Gobol lagu magacaabo Cabo Delgado waxaa ku d u go’da’ay 2m oo roob ah, waxaana qaybo badan oo ka mid ah magaaladda ku jira biyo. Daadka ayaa laga baqayaa in uu go’doomiyo magaaladda.
Afayeenka Hey’adda isku xirka Arrimaha Gargaaarka Saviano Abreu ayaa sheegay in xaaladdda Magaalooyinka Macomia iyo Quessanga ay tahay mid halis ah, isagoo ku daray in laga baqabo in ay Jasiirad u go’aan.