Uncategorized

Xaaladda deegaanka Bariire oo saakay degan kadib dagaal culus oo shalay ka dhacay Bariire.

Bariire-KNN-Wararka saakay ka imaanaya deegaanka Bariire ee gobalka shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in saakay xaaladda ay tahay mid dagan waxaana si buuxda halkaasi u maamulaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM kadib markii Shalay ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in ay Shacab badan ay ka barakeen deegaanka iyagoo ka cararaya colaad dib uga bilaabata Bariire waxaana duleedka deegaanka isku aruursanayo Al-Shabaab taas oo baqdin ku abuurtay shacabka deegaanka.

Ciidamada huwanta ayaa qorsheynaya inay u gudbaan deegaanada kale ee gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin Al-Shabaab, waxaana socda duulaan ku wajahan degmada degmooyinka kale ee ka agdhaw Awdhiigle iyo deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in xaalada deegaanadii shalay lagu dagaalamay ay degan yihiin ciidamada ay si buuxda gacanta ugu hayaan.