Uncategorized

Xaaladda deegaanka Xeraale oo maanta degan kadib duqeyn labo maalmood ka socotay.

Xeraale-KNN-Deegaanka Xeraale ee gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay ay ka socotay duqeyn labada dhinac ah oo ay is dhaafsanayeen ayaa maanta la soo warinayaa in ay daggan tahay oo ay istaagtay duqeyntii iyo rasaastii goos gooska aheyd.

Dadka ku haray deegaanka ayaa muujinaya cabsi iyo wal wal ay ka qabaan in markale uu dagaal ka qarxo deegaanka Xeraale , maadaama wali ay  is hor fadhiyaan dhinacyadii halka ku dagaalamayay maalmihii ugu danbeyay.

Dhanka kale Madaafiicdii Shalay labada dhinac is weedaarsadeen ayaa la sheegayaa iney geysatay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartay dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Shacabka ayaa aad u soo dhaweeyay daganaanshiyaha deegaanka oo maalmihii la soo dhaafay ay ka socotay duqeyn iyo dagaalo culus oo saameysay Guud ahaan deegaanka.