Uncategorized

Xaaladda Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud oo Saakay Degen

Xeraale–KNN– Waxaa Saakay Degen Xaaladda Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud oo Shalay ay ku Dagaalameen Maleeshiyaad Degaanka ah iyo kuwo Taabacsan Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobolada Dhexe.

Dagaalkii Shalay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 20 kale.

Dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay ayaa la sheegay in ay yihiin dhinacyadii ku dagaalamay Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xaalada Xeraale ay Saakay tahay mid degen,inkastoo ay is hor fadhiyaan Dhinacyadii ku Dagaalamay Degaanka.