Uncategorized

Xaaladda Goobihii lagu Dagaalamay Ee Bariga Gobolka Mudug oo Maanta Degan

Cali-waal–KNN– Wararka ka imaanaya Dhulka Miyiga ah ee Bariga Gobolka Mudug oo Shalay uu ka dhacay Dagaal Qaraar oo u dhexeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa sheegaya in Maanta Xaaladdu ay tahay mid degen oo aysan ka jirin wax dagaal ah.

Dagaalkii Shalay ka dhacay Degaanka Cali-waal ee Waqooyi Bari Gobolka Mudug ayaa la sheegay inuu geystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo kala gaaray Dhinacyadii ku dagaalamay Gobolka Mudug.

Dhanka kale waxaa Waan-waan laga dhex bilaabay dhinacyada ku Dagaalamay Waqooyi Bari Gobolka Mudug,waxaana socda Dadaalo lagu heshiisiinayo.