Kismaayo-KNN-Waxaa xalay ka dhaqan galay magaalada Kismaayo bendaw saarnaa doona ku dhawaad 72 saacadood, maamulka Jubbaland ayaa sheegay in la xiray xuduudaha magaalada Kismaayo ee dhulka, cirka iyo badda, laga billaabo 6-dii maqribnimo ee xalay illaa 23-ka bishan, oo ah maalin kaddib doorashada madaxweynaha Jubbaland.
Kulan ay Kismaayo ku yeesheen guddiga amniga maamulkaas, ayaa warqadd kasoo baxday waxaa lagu shaaciyay go’aano dhowr ah oo lagu xadadayo dhaq-dhqaaqyada ciidan iyo kan bulsho ee magaalada Kismaayo.
Go’aankaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in gabi ahaanba lagu joojiyey dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee gudaha iyo duleedka magaalada Kismaayo tan iyo maalin kaddib maalinta doorashada oo loo asteeyay ee 22-ka bishan.
Hey’adaha amniga maamul Goboleedka Jubbaland, ciidamadda AMISOM, maamulka garoonka diyaaradaha Kismaayo, maamulka dekadda Kismaayo iyo dhamaan baraha kontarooladda ee laga soo galo magaaladda Kismaayo, ayaa lagu amray inay xaqiijiyaan dhaqangalka go’aankaan.
Waxaa lagu soo waramayaa in magaalada Kismaayo uu ka dhaqan galay go’aankaas amni, isla markaana aysan xalay ka jirin wax isku socod ah.
Sidoo kale saakay ayaa waxaa aad u yar dhaq-dhaqaaqyada iyo isu socodka bulshada ku nool magaaladaas, waxey dadku yihiin kuwo aan intooda badan wali kasoo bixin guryahooda.