Somali News

Xaaladda Koofurta sool oo Saakay Degan.

Muqdisho-KNN-Xaalada Degnaansho ayaa Waxaa laga Dareemayaa Deegaanka Dhumay oo ku yaala Koonfurta Gobalka Sool halkaasi oo ay isku hayeen Laba Maleeshiyo beeleed oo halkasi Wada Daga.

Wararkii ugu Dambeeyay ee KNN ay saaka ka heleyso goobta ayaa waxay sheegayaan in Xalada oo Degan Awgeed ay jidho Cbsi laga qabo in dhinacyada is haya ay mar kale halkaasi isku fara saaraan.

Dadkii ku dhaqnaa Degaanka Dhumay ayaa halkaasi isaga barakacay ka dib cabsi lixaad leh oo ay ka muujiyeen Dagaalka Labadan Maleeshiyo Dib uga Qarxay Degaanka Dhumayga ee Gobalka Sool.

Inta la xaqiijiyo Sodon ruux ayaa ku geeriyootay Dagaalkii Xoganaa ee dhinacyadan ku dhexmaray Degaanka waxaana in ka badan 50 qof oo dhinacyada is haya ka mid ah ay ku dhaawacmaan Dagaalkaasi.

Dadka Dhaawacmay Waxaa la geeyay oo Xaaladooda Caafimaad lagu Daweynayaa Xarunta Cisbitaalka Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.

Hadaba Colaada Dhinacyadan waxaa soo baxaya baaqyo Nabadeed Wax ku ool ah oo ay Dirayaan Odayaasha dhaqanka Waxgaradka iyo bulshada ka soo jeeda Degaanka lagu Dagaalamayo.

Kal hore ayay ahayd mar la sameeyo isku dayo badan oo lagu doonayay sidii lagu dhameyn lahaa xiisadan balse ay si lama filaan ah dib uga soo cusboonaatay halkaasi.

Dagaaladan Khasaaraha dhimasha Dhaawaca Barakaca Sababay ayaa Salka ku hayo Murano la xeriira Aargoosi iyo Aanooyin Qabiil oo in Mudo ah ka dhaxeeyay dhinacyada ishaya