Somali News

Xaaladda magaalada Baladweyne oo saaka degan

Baladweyne-KNN-Magaalada baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan  wararka naga soo gaaraya waxaa ay sheegayaan in xaalka magaalada uu dagan yahay.

Magaaladda waxaa  shalay galinkii dambe ka dhacay dagaal u dhaxeeyay maleeshiyo ku heyb ah wiil bajaajle ah oo labo maalin ka hor askari uu ku dilay magaalada Baladweyne.

Dagaalka oo la sheegay in ay soo qaadeen maleeshiyada ku heybta ah wiil ka ayaa lagu soo waramayaa in khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu sababay balse saaka xaalka magaalada ay tahay mid degan.

Majirto cid wali soo kala dhex-gashay ciidamada booliiska ee askariga u xiranyahay iyo maleeshiyada ku heybta ah wiilka bajaajlaha ah ee lagu dilay Baladweyne.

Warar kale oo ay KNN heshay ayaa sheegaya in askarigii dilka geestay ay la wareegen ciidamo militeri ah.