Uncategorized

Xaaladda Magaalada Buuhoodle oo Saakay Degen

Buuhoodle–KNN– Wararka ka imaanaya Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer islamarkaana Shalay uu ka dhacay Dagaal Beeleed u dhexeeya Labo Maleeshiyo ayaa Saakay la soo sheegayaa in ay Xaaladdu tahay mid degen.

Odayaal iyo Waxgarad ka mida kuwa Degen Magaalada Boohoodle ayaa wada waan-waan iyo Nabadeyn laga dhex wado Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Magaalada oo weli isku hor fadhiya Magaalada Boohoodle.

Dagaalkii Shalay ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa Sababay dhimashada Dad ka badan Lix halka Dhaawacuna uu Toban kor u dhaafay.

Dagaalka Shalay ayaa ku biloowday ka dib markii Maleeshiyaad hubeysan ay Magaalada dhaxdeeda ku dileen Nin ka mida Dadka Degaanka,iyadoo Maleeshiyaad kale oo Falkaasi ka Caro celiyay ay weerareen Maleeshiyaad ku hayb ah Ninka wax dilay sidaana uu Dagaalku ku bilowday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa Saakay sheegaya in Xaaladda Magaalada ay degen tahay,inkastoo ay is hor fadhiyaan Maleeshiyaadkii Dagaalamay.