Uncategorized

Xaaladda Magaalada Cadaado oo maanta Kacsan iyo Xiisad magaalada ka taagan.

Cadaado-KNN-Xaalada Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa maanta aad u kacsan waxaana laga dareemaya Jawi Xiisad ku saleysan iyadoo ay Socdaan kulamo iska soo hor jeedo oo ay yeelanayaan Dhinacyada ku kala aragtiyo duban siyaasadda Galmudug ee arimaha Khaliijka.

Xildhibaano, Wasiiro iyo Wariyaal ku sugan Degmada Cadaado oo aan la xariirnay ayaa Xaqiijiyay meelaha qaar ee magaalada laga maqlaayo rasaas goos goos ah oo ay ridayaan Ciidamo magaalada Gudaheeda iyo Dibadeeda ku sugan kuwaas oo aan qaarkood ka diiwan gashaneen Ciidanka Soomaaliya.

Ciidanka magaalada ku sugan ayaa la sheegay in ay u badan yihiin Ciidamo beeleed u kala safan dhinaca Galmudug inkastoo saraakiisha Booliska iyo NISA ay muujiyeen rajo ah in aysan dhici doonin wax iska hor imaad ah.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa hada waxaa u socda kulan ay kaga hadlayaan Xiisadda u dhaxeysa hogaankooda waxaana la filayaa in ay warbixin ka soo saaraan, dhinac ka mid ah Madaxda Galmudug ee ku kala aragtiyo Duban Muranka khaliijka ayaa Golaha Wasiirada ku eedeeyay in ay la safan yihiin mid ka mid ah labada Garab.

Xildhibaanadii Cadaado u tagay qaboojinta xiisadda magaalada ka taagan ayaa wali ku mashquulsan isku soo dhaweynta dhinacyada is haaya balse waxaa la sheegay in arinta ay ka culus tahay sidii ay filayeen.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa maanta Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook ku soo daabaca.

“Xalay ilaa hada waxaan ku jirnaa shirar gaar gaar ah oo aan ku soo afjareyno Xiisadda u dhacaysa Madaxda Galmudug, Xaaladda ma fududa balse waxaan ku rajo weynahay in aan isu keeno labada dhinac”

Qaar ka mid ah Xubnaha baarlamaanka Faderalka Soomaaliya ee ku sugan Cadaado oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ay magaalada ka jirto is jiid iyo sharuudo adag oo ku hor gudbin Labada dhinac is fahmaan.