Somali News

Xaaladda magaalada Garbahaarey oo wali kacsan

Garbahaarey-KNN-Iyadoo maalintii shalay banaanbaxyo looga soo horjeedo wasiirro ka tirsan jubbaland  ka dhaceyn magaalada Garbahaarey ayaa xalay waxaa kulmay odayaasha degmada iyo wasiiradii la weeraray.

Qaar kamid ah odayaasha oo la hadlay KNN ayaa sheegay in kulankii xalay ay la qaateyn wasiirada ay kaga codsadeyn in si sharuud la’aan ah ay wasiirada gabi ahaan iskaga baxaan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Guddomiyaha degmada ayaa la sheegay in uu jaray isgaarsiinta degmada,waxaana warar hada soo baxay ay sheegayaan in qaar kamid ah shacabka degmada ay wali abaabulayaan banaanbaxyo hor leh,kadib markii ay ka war heleeyn in la jaray isgaarsiinta degmada.