Muqdisho-KNN-Waxaa Saakay dagan xaalada magaalada Muqdisho iyo xiisada siyaasadeed ee magaalada ka taagneed kadib markii shalay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ay la wareegeen ciidamo badan oo labada dhinac ee iska soo hor jeeda ee Barlamaanka ay ku eedeeyeen dhinacba dhinaca kale.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Gorod, wuxuu sheegay in ciidamaddii Shalay hubka la galay Xarunta Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intooda badan lasoo qabtay, baaritaanna lagu sameyn doono.
Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay inay jiraan Ciidamo kale oo aan kamid aheyn Ciidanka qalabka sida oo laga yaabo inay ku gambadeen Ciidankii shalay la wareegay xarunta Golaha Shacabka iyaggana waan oggaaneynay, waana soo qabaneynaa ayuu yiri Jeneraal Gorod.
Waddooyinka qaar ee Muqdisho ayaa wali xiran, waxaa lagu arkayaa ciidamadii shalay waddooyinkaas xiray, inkastoo ay hadda tahay aroor hore.
Dhankale Barlamaanka Soomaliya ayaa la ogeyn in ay kulan isugu imaanayaan maanta iyo in kale, xaalada siyaasadeed ee magaalada Muqdisho ayaana maanta u muuqata mid dagan.
Lasoco wixii ka soo kordha.