Uncategorized

Xaaladda Tuulada Hermanus Ee Cape Town Oo Maanta Kacsan – Dukaamo Badan ayaa la Boobay Qaarna Waa La Gubay !

Cape Town-KNN-Boob lama filaan ah oo si xawli ah ku bilowday xalay ayaa kusii fiday Xaafadda Hermanus, iyadoo sida la xaqiijiyey la bililiqaystay Dukaamo badan iyo Cash & Carry weyn oo ay Soomaalida ku laheyd deegaankaasi, halka dukaamada qaarkood Dab la qabadsiiyey.
Sida Uu Kusoo Waramaayo Wariyaha Knn Ee K/Africa Abdirahmaan Muumin Codeey,Boobkan Ayaa ka dhashay Dadka deegaanka oo Guryo la’aan ka cabanaya, iyagoo kadib markii ay Dowladda South Africa ka jawaabi waysay dalabkooda kuna qamaamay mehradaha ganacsi ee ay Soomaalida iyo ajaanibta kale ku leeyihiin deegaankaasi Hermanus.
Inkastoo Cutubyo Police ah ay goobta joogaan, ayaa hadana waxaad mooddaa inaysan dhab ka aheyn ka hor tagga rabshadaha lagu beegsanayo Soomaalida, waxaana wali goobaha qaar saaka ka jirta cabsi xoog leh kadib markii Dibadbaxayaasha ay ku hanjabeen inay guryaha ay dagan yihiin ugu tagi doonaan dadka Ajaanibta ah.
Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo Rabshadahan socda kasoo gaaray Muwaadiniinta Soomaaliyeed, sidoo kalana si rasmi ah looma ogaan karo waqti xaadirkan khasaaraha Hantiyadeed ee boobkaasi ka dhashay iyo tirada Dukaamada la boobay intaba.
Abdirahmaan Muumin Codeey.
KNN-South Africa-Cape Town