Hargeysa-KNN-Soomaaliland ayaa maanta waxaa laga xaqiijiyay xaaldo cusub oo la xiriira cudurka Coronavirus.
Guddiga Caafimaadka ee u qaabilsan Soomaaliland ka hortagga cudurkan ayaa warbaahinta u sheegay, natiijadii ka soo baxday dad looga shakiyay cudurka oo baaritaannadoodu ay maqnaayeen.
Waxa ay guddigu sheegeen maanta oo kaliya ay ka heleen 18 ruux oo kamid ahaa 80 ruux oo baaritaan loo diray, kadib markii looga shakiyay in ay qabaan cudurkan.
Dadka laga helay cudurka ayaa waxa ay joogaan 15 ruux oo ka mid ah gudaha magaalada Hargeysa halka 3-da kalena ay joogaan magaalada Boorama, iyadoo 6 ruux oo kalena ay ka bogsadeen.
Tirada guud ee Soomaaliland ee cudurkan ayaa ah 376 ruux, waxaa u dhimatay 22 ruux, halka 54 ruux oo kalena ay ka bogsadeen.