Somali News

Xabaal wadareed ay ku aasnaayeen tobanaan qof oo laga helay Dalka Mexico.

Muqdisho-KNN-Baareyaasha ayaa dalka Mexico waxaa ay ka heleen meydadka 44 qof oo lagu aasay hal god, Gobolka Jalisco.

Goobta meydadka laga helay waa duleedka Magaaladda Guwadalajara, waxaa halkaas lagu aasay 119 boorso oo ay ku jiraan cadad banii aadam.

Markii la ogaanayay arrintaan ayaa dadka deegaanku waxaa ay ka cawdeen ur badan, kadibna waxaa la ogaaday meesha ay dad badan ku aasanyihiin.

Iyaga oo adeegsanaya baarista dheecanadda ayaa seynisyahanadu waxaa ay sheegeen in 44 qof la aqoonsaday balse ay weli dhiman yihiin qaybo kale oo ay baaris ku socoto.

Gobolka Jalisco waa xudunta khalalaasaha daroogadda ee dalka Mexico, waana markii labaad ee Sanadkaan gudihiisa meydad laga helo gobolka.

Inta badan meydadka la helay waa la jarjaray kadibna waxaa lagu shubay boorsooyin lagu aasay.