Somali News

Xabad joojin lagu wado in looga dhawaaqo marinka Gaza.

Sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan ayaa sheegay inuu rajeynayo in Israa’iil iyo xooggaga Gaza ay gaaraan xabbad-joojin “maalin ama labo maalin gudahood” xilli werarrada ay weli sii socdaan.

Balse ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Arbacadii sheegay “inay ka go’an tahay in weerarku sii socdo” ilaa “xasiloonida iyo ammaanka dib loogu soo celiyo muwaaddiniinta Israa’iil”.

In ka badan 100 duqeymaha cirka ah ayay saakay aroortii diyaaradaha Israa’iil ka geysteen dhismooyin ku yaalla Gaza.

Xooggaga Falastiiniyiinta ayaa ku jawaabay gantaallo ay ku rideen gudaha Israa’iil.

Ugu yaraan 227 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 100 haween iyo carruur ah, ayaa ilaa iyo hadda lagu dilay Gaza, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta, halka Israel’na lasheegay in ay ka geeriyoodeen illaa iyo 12 ruux.