Somali News

QM oo safiir cusub u soo magacaawday Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay KNN  ayaa sheegaya in dhawaan uu xafiiska ka tagi  doono Ergayga gaarka ah ee Q.M arimaha Soomaaliya Danjire Michal Keating,kadib markii uu dhamaaday muddo xilka hayay.

Nicholas Haysom ayaa la filayaa inuu bedelo Micheal Keating oo xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobey hoggaaminayay muddo labo sano iyo bar.

Sarkaal  cusub ee loo soo magacaabay  xafiiska QM ee Soomaaliya oo 66 sano jir ah ayaa ah Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan, waxaa sidoo kale uu horay u soo noqday Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo xilka ka degaya ayaa wuxuu bedelay xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo u dhashay dalka UK.