Somali News

Xafladda Caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo dib loo dhigay

Kismaayo-KNN-War Saxaafadeed ka soo baxay maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dib loo dhigay Xafladda Caleemo saarka madaxweynaha maamulkaasi Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe .

War saxaafadeedkan oo ku taariikheysan 25 September sanadka 2019 ayaan lagu shaacin muddada dib u dhigista Xafladda Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, balse waxaa marti sharafta iyo wufuudda ka qaybgeli lahayd munaasabadda lagu wargeliyay in uu dib u dhac ku yimid.

Sababta dib u dhaca ku keentay Caleema saarka madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay, in sifo sharci darro ah ay isku hortaagtay Dawladda Federaalka Soomaaliya Wufuud ay ka mid yihiin madaxweyneyaal hore, xubno ka kala socda labada Gole iyo marti sharaf kale in ay tagaan magaalada Kismaayo ,sida ku cad warsaxaafadeedka.

Hoos ka Akhriso:-