Muqdisho-KNN-Safiirka Dawladda Soomaaliya ee Turkey-ga Jaamac Cabdullahi Caydiid ayaa ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkey-ga kana soo baxay Jaamacadda Soomaaliya ee aan ka diiwaan gashanayn hay’adda YÖK ay ugu danbayn liiskooda usoo gudbiyaan maalinta Isniinta ah ee Todobaadkaan xaafiiska Hey’ada UMA-SET ee magaalada Ankara.
Waxa uu sheegay in wasiira dowlaha waxbarashada dalka Turkiga iyo Hey’adda YÖK oo dalkaasi uqaabilsan tacliinta sare in ay kala hadleen dhibaatada ka haysatay ardayda Soomaaliyeed in ay waxkabartaan jaamacadaha dalka Turkiga kuwaasi oo ay ugu horaayaan Ardayda hadda Ka dhigta Master iyo PhD dalka oo qaarkood uu sheegay in horay looga joojiyay waxbarashadii uga socotay dalka Turkey-ga.
Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada sare ka doontay dalka Turkey-ga ayaa mudooyinkii danbe sheeganayay in caqabado badan ay ka heystaan waxbarashada dalkaas, hayeeshee waxaa muuqata in Dowladda Soomaaliya ay ku howlantahay sidii loo dhameyn lahaa tabashada ardaydaasi oo ay doonayso in ay la meel dhigto Dowladda Turkey-ga.