Somali News

Xal laga gaaray colaadii ka taagneed deegaano ka tirsan gobolka bari

Deeegaanka Isku-shuban ee Gobolka Bari, waxa ku soo xirmay shir ku saabsan Nabadaynta beelihii dhawaan ku dagaamay deegaankaasi.

Labada beelood ayaa heshiis hordhac ah ka gaarey colaaddii dhexmartay, kadib markii Odayaasha dhaqanka labada dhinac iyo mas’uuliyinta dowladda Puntland ay si wadajir ah uga shaqeeyeen xallinta arrimihii lagu muransanaa.

Munaasabada soo xiritaanka shirka ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiirada Amniga, Cafimaadka, Howlaha Guud, Tamarta Biyaha iyo Macdanta, Wasiirdowlaha wasaaradda arrimaha Gudaha, Wasiirdowlaha wasaaradda Dakadaha, Guddoomiyaaasha Gobollada Bari, karkaar, Xildhibaano, isimo Guddoomiyaha Degmada qardho, Maamulka Degmada Iskushuban, culimo, Saraakiisha laamaha amaanka iyo labadii dhinac ee heshiiyay.