Beledweyne-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in maanta dib loo furay wadooyinka magaalada Beledweyne.
Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii maanta la isku afgartay in xal laga gaaray qeyb ka mid ah xiisaddihii ka taagnaa magaalada Baladweyne.
Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa kulamo gooni gooni waxaauu la qaatay odayaasha iyo waxgaradka magaalada gaar ahaan ehelada marxuumka lagu dilay Deegaanka kalabeyr ee Gobalka Hiiraan, kaasi oo lagu magacaabi jiray Taliye macow.
Madaxweyne Waare ayaa waxaa la sheegay in odayaasha uu ku qanciyay in xiisada la dajiyo, lagana wada shaqeeyo nabad-galyo, isaga oo u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan caadallada loo horkeeno.