Somali News

Xanuun aan horay loo arag welina la aqoonsan oo ka dilaacay M/Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Dhakhqaatiirta ka howlgasha isbitaalka weyn ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in isbitaalka lasoo gaarsiiyey bukaanno aad u badan, kuwaas oo uu soo ritay xanuun aan weli la aqoonsan.

Xanuunka soo ritay dadkaas oo sida la sheegay caruur u badan ayaa ka dilaacay gudaha magaalada Gaalkacyo oo dadkan uu ku soo ritay, waxaana jira dad waayeel ah oo ku jira dadka uu ritay xanuunkan, kuwaas oo haatan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo xarumaha caafimaad ee magaalada.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in dadka uu soo ritay xanuunkaasi, lagu arkay calaamado ay ka mid yihiin calool-barar, daba-dhiig iyo  matag dhiig ah, welina aysan aqoonsan xanuunkan, balse baaritaano ay ku wadaan.

Sidoo kale waxay sheegeen dhakhaatiirtu in dhiigag iyo dheecaanno laga qaaday bukaannada qaar loo sii qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, si baaritaanno loogu sameeyo.

Isbitaalka weyn ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, oo la geeyay bukaannada u badan, ayaa waxa gacanta ku haysa hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduudka lahayn, kuwaas oo sida ay noo sheegeen ku dadaalaya sidii loo samata bixin lahaa xaaladda caafimaad ee dadkaas.