Somali News

Xanuunka Ebola oo gaaray dhul hor leh ee Jamhuuriyadda Demoqaraadiga ah ee Congo

Muqdisho-KNN-Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ah ee Congo ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horeeyay ee xanuunka Ebola laga helay magaaladda Goma oo ay deganyihiin dad ka badan hal million oo ruux.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in Wadaad masiixi ah oo lagu baaray xarun ku taala Goma laga helay caabuqa kadib markii uu halkaas ku tagay gari Bas ah Axaddi.

Wasaaraddu waxay sheegtay in khatarta xanuunku ay si hoose u faafeeyso.

In ka badan 1,600 oo qof ayaa u dhintay Ebola tan iyo markii uu ka dilaacay bariga Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ah ee  Congo Sanad ka hor.

Wadaadku waxaa uu soo safray 200 km si uu Goma u yimaado waxaana uu gaari bas ah kasoo raacay magaaladda Butembo halkaas uu isagoo Ebola qaba dad lasoo safray.

Sifooyinka uu xanuunku ku faafo markii la eego waxaa hubaal in dadkii bukaanku lasoo safray xanuunka gaarsiiyay, Sababtoo ah waxaa Ebola lagu kala qaadaa neefta.