Somali News

Shabaab oo dad ku xir xiray xarardheere

Xarardheere-KNN-Wararka naga soo gaaraya magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay dadka deegaanka ku amreen in caruurtooda ay dhiibaan si loogu biiriyo Shabaab.

Dadka Magaalada ayaa arinkan kasoo horjeestay waxa ayna taasi keentay in  la xir xiro qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ilaa iyo hadda wararka aynu heleeyno ayaa Sheegaya in la xiray 5 qof oo rayid ah oo kala ah Sedex raga ah iyo Labo dumar ah.

Al-Shabaab ayaa sidan oo kale waxa ay ku amreen dadka deegaanka Caad oo isla gobolka Mudug ka tirsan in caruurtooda ku wareejiyaan Al-shaab, balse dadka oo arintaa ka dhiidhiyay ayay gartay in dagaallo toos ah ay la galaan Al-Shabaab, inkasta oo markii danbe Shabaabku ay ka awood roonaadeen dadkii deegaanka ee la dagaalamay.