Cadaado-KNN- kadib kulan ay maanta Cadaado Ku yeesheen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ay xilka ka qaadeen Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed. Tirada xildhibaanada soo xaadirtay kulanka ayaa waxaa ay gaarayeen 48 xubnood, iyagoona dhamaan isku raacay in xilka laga qaado Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug. Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ee dhawaan xilka laga qaaday Cali Gacal Casir. Khilaafka u dhexeeya madaxda Sare ee Galmudug ayaa xiligan marayaa meeshii ugu xumeed.

Somali News
Xareed Cali Xareed oo xilka laga qaaday.
- by Radio Kulmiye
- September 17, 2018
- 0 Comments
- 93 Views