Somali News

Xarig ka dhan ah dadka ka soo hor jeeda madaxda HirShabeelle oo ka socda Beledweyne

Beledweyne-KNN-Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay saakay xireen Xasan Cabdi Guure oo loo garan ogyahay Dr. Guure, kaas oo ka mid ah aqoonyahanada gobolka Hiiraan.

Ciidamobka tirsan booliska HirShabelle ayaa Dr Guure saakay ka kaxeystay guri uu ka deganyahay xaafada Kooshin ee magaalada Beledweyne.

Dr. Guure ayaa ka mid ah bareyaasha mid kamid ah Jaamacadaha ku yaalla magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Mudooyinkii dambe ciidamada ammaanka HirShabeelle ayaa Beledweyne ku xirayey dadka qan taageersaneyn madaxda sare ee maamulkaas.

Tobaneeyo qof oo aan illaa hadda maxkamad lasoo taagin ayaa ku jira xabsiyada magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo loo heysto abaabul ka dhan madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle.