Uncategorized

Xarunta degmada Wadajir oo dib loo dhisayo.

Muqdsiho-KNN-Ku dhawaad sanad kadib ayay nasiib uyeelatay Degmada Wadajir ee Gobalkan Banaadir in dib u dhis lagu sameeyo Xarunta Degmada Wadajir oo ku bur burtay weerar Degmadaas ay ku soo qaadeen dagaal 20 juunee sandkii aan ka soo gudubnat ee 2017ka.

Bishii June ee Sanadkii tagay ayaa Al-shabaab ayaa waxaa weerar qaraxyo ah ku qaadeen xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, qaraxaas oo ay ku dhinteen dad fara badan oo ay ku jiraan caruun agoon ah oo halkaas lacag loogu qeybinaayay sidoo kale weerarkaas ayaa saameeyay dhismaha xaruntaasi oo gabi ahaanba bur burtay.

Dhigax dhiga maanta lagu sameeyay xarunta degmada Wadajir ayaa waxaa kusugnaay xildhibaanada labbada aqal ee Baarlmaanka soomaliya, wasiiro, siyaasiyiin, ganacsato iyo xubno kale.

Gudoomiyaah degmada Wadajir ee Gobalkaan Banaadir Cumar C/llaahi Xasan oo lahadlay warbaahinta ayaa faa fahin ka bixiyay qaraxii lagu weeraray degmada Wadajir iyo qasaarihii uu geystay xiliga la weerasray.

Senator SamSam Daahir Maxamuud iyo xildhibaan Cabduqaadir CarabowIibraahim oo iyagana lahay warbaahinta ayaa waxey tibaaxeen shacabka ku nool degmada Wadajir in looga fadhiyo ilalinta amniga degmadooda iyo xarunta degmada oo haatan dib u dhis lagu sameynayo.

En Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ah gudoomiyaah gobalka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mar uu hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhismaha lagu sameynayo xarunta degmada wadajir ay tusaale u tahay meel waliba oo ay bur buriyaan alshabaab in dib udhis lagu sameynayo islamarkaana shacabka soomaliyeed aysan ku niyad jabeenin gaboodfalda alshaab ay ka geystaan gobalka banaasdier iyo gobalada kale ee dalka sida uu hadalka u dhigay.