Uncategorized

Xarunta Golaha aqalka sare oo lagu wareejinayo AMISOM.

Muqdisho-KNN-Gudiga joogtada ah ee Barlamaanka gaar ahaan aqalka sare, ayaa kulan ey maanta ku yeesheen xaruntooda muqdisho, waxa ey uga arinsadeen Qorshayaasha kulamada soo foodleh, sidoo kale warbixin ku saabsan xaaladda beledweyn iyo xarunta aqalka sare amaankeeda aya gudigu dhageesteen.

Sanator Axmed Nadiir oo ka mid ah xubnaha Golaha aqalka sare oo ka hadlay amniga xarunta Golaha ayaa sheegay in amniga xarunta uusan ahayn sidii loo baahnaa islamarkaana ay walaac ka qabaan arrintaas.

Sanator Nadiir ayaa intaa ku daray in muddo  Hal sano iyo bar ah ay ku shaqeynayaan xarunta oo amingeedu uusan wanaagsaneen.

Xilligii uu socday qalalaasihii Golaha shacabka soomaaliya ayaa xubnaha aqalka sare, waxa ey dalbadeen in amin xaruntooda lagu wareejiyo ciidamada Amisom, Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sarana waxaa sheegay in AMISOM  ay aqbashay warqad at u qoreen islamarkaana la filayo in Ciidamo ka socda AMISOM ay la wareegaan amniga Xarunta Golaha aqalka sare.