Muqdisho-KNN-Ciidamadii hore ee u xil saarnaa sugida amniga xarunta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa dib u la wareegay shaqadii ay ka hayeen xarunta Golaha Shacabka.
Ciidamadaan ayaa maalmahaan dambe xarunta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya waxaa kala wareegay ciidamo gaar ah oo amar ka soo baxay Ra`iisul Wasaaraha ku tagay xaruntaasi, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu soo if baxay khilaafkii ka dhashay Mooshinkii ka dhan ka ahaa Gudoomiye Jawaari.
Maanta ayaa xarunta Golaha Shacabka lagu arkay ciidamadii hore xaruntaas, inkastoo wali ay ku sugan yihiin ciidamadii kale ee ku yimid amarka Ra`iisul Wasaaraha Xukumada Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre sida ay Idaacada Kulmiye u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Shaqaalaha xarunta Golaha Shacabka.
Wararka qaar ee soo baxaya ayaa tilmaamaya in amarka Ciidamadii hore ee xarunta Golaha Shacabka ay dib u la wareegaan xarunta Golaha ayaa waxaa bixiyay Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyadoona Madaxweynaha uu ku howlan yahay xal u raadinta khilaafka ka dhashay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.