Somali News

Xasan Sheekh oo ka hadlay Khilaafka dowladda dhexe iyo Maamul gobaleedyada

Muqdisho-KNN-Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa waxaa uu  ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe  iyo Maamulka Galmudug iyo  dagaal beeleedyada ku soo laa laabtay  deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in xilligan uu kala shaki ka dhexeyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul gobaleedyada, waxaa uuna sheegay in taasina xiligan aan loo baahneen, islamarkaana xal waara laga gaaro cabashooyinka ka soo yeeraya Maamul gobaleedyada ka jira dalka.

Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda dhexe ay fara gelin ku hayso Maamul gobaleedyada ka jira dalka ,gaar ahaan xilliyada ay dhacayaan doorashooyinka.

Dhanka kale  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud yaa wax laga xumaado waxaa uu ku tilmaamay dagaal beeleedyada ku soo laalaabtay deegaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed.

Waxaa uu sheegay in xiligan aan loo baahneen in dagaal beeleedyo ay a dhacaan deegaanada ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ugu baaqay waxgaradka deegaanada Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud inay ka qeyb qaataan daminta colaad beeleedyada ku soo laalaabtay deegaanada ka tirsan Gobalka Hiiraan.