Muqdisho-KNN-Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii Hore ee Somaaliya ayaa maanta Si rasmi ah u tagay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo hadda ka socda Xarunta Golaha ,kaasi oo looga hadlaayo xeerhoosaadka Golahaasi.
Tirada xildhibaanada Maanta ku sugan kulanka ayaa waxaa ay gaarayaan 173 Mudane.
Tan iyo markii uu noqday Xildhibaan Sharafeed Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Waa Markii ugu horreysay oo uu ka qeyb galo kulanka Baarlamaanka


