Somali News

Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay go’aankii ay DF ka qaadatay khilaafka doorashada

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay warbaahinta kula hadlay shir jaraa’id oo ay qabteen midowga musharaxiinta ayaa si kulul uga hadlay go’aankii xukuumadda federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka ee ahaa in la aadayo doorasho aan weli lagu heshiin.

“Doorashada lagu dhawaaqay in la qabto suurta gal maaha oo midnimada dalkan ayey dhaawacee, walaaleheena uu ra’iisul wasaaruhu u weynaa ee maanta isla taagnaa, sida ay u dhaqmeen sax maaha, madaxdii qaar ayaa maqan oo la leeyahay waa laga tashanaa, kuwa kale ee maanta meesha taagnaana kuma metelaan dadkii shalay doortay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxa uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, K/Galbeed iyo HirShabeelle aan laga yeeleyn qorshahooda ah “Madaxweynaha ayaan kursiga u soo boobeynaa oo dadka anagaa soo gacan maroojineyna, taasi sax ma’ahan” ayuu yiri.

“Madaxweynaha waxaan leenahay dalka inaad tiraahdo qaar waa laga maarmaa, qaarna ciidamo ayaan geysanaa oo xoog dadka iigu soo afduuba, nimankii loo doortay deegaanadaasna ay raali ku yihiin, dadka ka soo jeeda dowlad goboleedyadaas raali kama ahan arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

“Aamusnaanta madaxda maamulladii maanta meesha joogay waxaa u arkeynaa inay dhaheen hanaloo keeno ciidamo aan doorashada ku dhacno madaxweynuhuna uu sidaas rabo, marka taasi waa khatar, midnimada dalka ayaa khatar ku jirta maanta,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.