Somali News

Xasan Sheikh oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel ku yaalla magaalada Kismaayo, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan cadawgooda.

 “Anigoo aad uga murugeysan dhibaatadii xanuunka badneyd ee xalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee ay argagaxisadu ku laayeen dad Soomaaliyeed oo waxgalka u ahaa bulshadeena ayaa waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, kuwii ku dhaawacmayna waxaan ilaahay uga baryayaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo, In kooxahan argagaxisada ah ay meel weliba oo dalka ka mid ah ku beegsadaan, kuna laayaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay muujineysaa in ay cadow ku yihiin jiritaanka umaddeena oo dil, dhaawac iyo burburinba ay la daba joogaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Xasan Sheikh oo sii hadlayey ayaa yiri, “Shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in loo midoobo oo meel looga soo wada jeesto dagaalka kooxahan nabaddiidka ah ee mar weliba ku faana laynta dadkeena waxgalka ah, Wax ay inoo reebanayaan oo nagu khasbaya in aan indhaha ka fiirsano ma jirto waa dagaal qof kaliya ama dowladd lagu haleynayo uusan jirin ee loo baahan yahay in aan u istaano, una midowno cadowgan nabadda inoo diidan ee har iyo habeen dilka, dhaawaca iyo burburkaba nala dul jooga.

Mas’uuliyadda weerarkii qaraxa ku bilaawday ee shalay galinkii dambe lagu qaaday Hotel Cascasey oo ku yaalla Kismaayo lana soo afjaray waaberigii hore ee saakay ayaa waxaa dusha u ritay dagaalamayaasha Al-Shabaab.