Somali News

Xasan Shiikh & Ismaaciil Geelle oo la filayo in ay xariga ka jaraan Xarunta (AGA)

Waxaa maanta la filayaa in Xarunta Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho ay xariga si wadajir ah ugu jaraan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka mid ahaa madaxdii maanta ka qeybgashay caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho.

AGA waa xarun ka shaqeyn doonta daryeelka iyo horumarinta Af-Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed. waxaa ku mideysan dalalka Geeska Afrika ee ay Soomaalidu degto, Af-Soomaaligana looga hadlo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la doortay 15-kii bishii June iyo dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bishii Febaraayo ee sanadkii 2015 ayaa horay u dhagax-dhigay xarunta Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.