Somali News

Xasan Shiikh Maxamuud oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goordhaw waxaa uu kasoo dagay gagida diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa in imaatinkiisa magaalada Muqdisho uu magaalada ka billaabo guux siyaasadeed iyo waliba bilaabashada ololaha doorashada ee sanadka 2021.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa la filayaa in uu warbaahinta la hadlo, saakana waxaa soo dhaweyntiisa ka qayb qaadanaya Siyaasiyiin iyo masuuliyiin xilligan xil ka haya dawladda madaxweyne Farmaajo.