Somali News

Xasan Shiikh oo ka hadlay guddiga doorashooyinka ay magacowday DFS

Xasan Shiikh Maxamuid madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo wareysi siiyay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa ugu hadlay xaalada siyaasadeed ee xiligan uu marayo dalka, iyo guddiga doorashooyinka oo ay magacowday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiiikh ayaa waxaa uu sheegay in aan doorasho lagu geli doonin guddiyada ay magacaawday dowladda, isagoona xusay in arrintan ay dhibaato ka dhalan karto.

Sidoo kale Xasan Shiikh ayaa waxaa uu tilmaamay in guddiga doorashada ay magacowday dowladda Federaalka ay u badan yihiin NISA, iyo shaqaalo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoona si kulul u eedeyay arrintaasi

Halkan Hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran waxaa uuna u waramay weriyaheena Cabdi majiid Cabaas Aadan